
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu maalinta beri ah ee 25-ka bishan Oktoobar uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiye Jawaari ayaa baaqan hoose u diray xildhibaanada Baarlamaanka:
“Waxaan doonayaa inaan ku wargeliyo Xildhibaannada Golaha Shacabka in maalinnimada berrito oo Axad ah taariikhduna ku beegan tahay 25-ka bisha October 2015, saacadda 9:00AM uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 7-aad ee Golaha, sidaa daraadeed waxaa laga codsanayaa dhammaan Xildhibaannada inay usoo diyaar garoobaan munaasabadda furitaanka Kalfadhiga iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee uga abaaran xil gudashada Kalfadhigan”
Kalfadhiga cusub ee 7-aad ayaa la sheegay inay golaha Baarlamaanka hor yaalaan howlo culus oo dhammantood muhiim ah, iyado inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ay hadda Muqdisho ku sugan yihiin, wuxuuna ka codsaday xildhibaannada maqan inay si degdeg ah dalka ugu soo laabtaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu furo kalfadhiga cusub ee Baarlamaanka Berito u furmaya. Sida ku cad qodobka 90-aad ee Dastuurka Dalka, xarafkiisa (G) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa furaya Kalfadhiyada Golaha Shacabka.
Goobjooge.com