Sunday, July 6, 2025

13 Qof oo kusoo kordhay Dadka Cudurka Coronavirus laga helay ee Puntland

Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Puntland ayaa shaacisay in kiisas cusub oo Cudurka Covid-19 ah laga helay degaanadeeda.

13 kii oo cusub ayaa la shaaciyey in laga helay degaamada Puntland, baaritaannadi ugu danbeeyay ee la qaaday, waxayna tirada guud ka dhigeysaa 51  ruux oo ku sugan Puntland inay qabaan Coronavirus.

Dadka cusub ee cudurka laga helay ayaa 10 ka mida ku sugan magaalada Garoowe, halka saddexda kalena ay joogaan degmada Qardho.

Tirada dadka cudurka Corona xanuunka laga helay ee gudaha Puntland ayaa ah tan labaad ee ugu badan Soomaaliya, iyadoo ay ugu horeyso Caasimadda Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON