Wednesday, June 25, 2025

SAWIR: Daacish oo shaacisay Bambadii ay ku soo riday Diyaaradii Ruushka

Kooxda Khilaafada islaamiga ah ee DAACISH ayaa faafisay sawir ay sheegtay inuu yahay Bam ay saartay diyaaradii Ruushka ee ku dhacday goboka Sinai ee dalka Masar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Sharmasheekh  ee dalka Masar.

Majalad ay soo saarto Daacish oo lagu magacaabo Dabiq ayaa lagu soo muujiyay sawirka Daasad yar oo nooca cabitaanka ah iyo qalab lagu xiray oo ay Daacish sheegtay inay ahayd Bambadii ay saareen diyaaradii Ruushka laga lahaa kuna qarxiyeen hawada Bishii hore.

Xeer-dheerayaasha arrimahan ayaa sheegaya inaysan caddeyn sida walxaha Daacish soo bandhigtay u shaqeeyaan. Raashiya ayaa dhowaan caddeysay inay Bam ahayd wixii soo riday diyaaradeedii loona adeegsaday maadada qaraxa dhalisa ee TNT.

HOOS KA DAAWO SAWIRKA BAMBADA AY DAACISH SHEEGTAY INAY KU SOO RIDAY DIYAARADII RAASHIYA

Dabiq
SAWIRKA BAMBADA AY DAACISH SHEEGTAY INAY KU SOO RIDAY DIYAARADII RAASHIYA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON