Thursday, June 26, 2025

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Weriye Jaamac Daparaani ku xiray magaalada Garowe

Wariye Jaamac Yuusuf Jaamac (Jaamac Daparani)  oo ka tiran Telefeshinka Somali Channel ayaa maanta lagu xiray magalada Garowe kadib markii la sheegay inuu ka dhego adeyday amar wasiirka warfaafinta  Puntland uu siiyay oo ahaa inuu joojiyo shaqada uu ka hayo degaanada Puntand. Waxaana xariga weriyaha amray wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade .

Jaamac Deperani ayaa xarigiisa loo aanaynayaa wareysi uu  magaalada Garowe kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Axmed Odawaa kaasoo arrimo badan kaga hadlay markii uu dhowaan tegay magaalada Garowe.

Xariga Jaamac Deperani ayaa waxaa canbaareeyay ururka saxafiyiinta Putnalnd, balse ma jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxday wasiirka warfafinta Puntland.

Weriyaha ayaa hore u diiday amarka wasiir Soo-cade oo uu ku sheegay mid aan sharciga waafaqsanayn.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON