Xariga magaalada Garowe lagu xiray weriya Jaamac Daparaani oo si weyn loo cambaareeyay kadib, waxaa la is weydiinayaa sababta xarigiisa oo dib ugu laabaneysa khilaaf ka dhex dhashay weriyaha iyo wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade.
Haddaba wararka xogogalka ah ayaa sheegaya in wareysiga weriye Jaamac Daparani la yeeshay Wasiir Soocade uu ahaa waxa salka u ah in la xiro weriyaha oo markii hore shaqada laga joojiyay. Sababta ayaa lagu macneeyay markii wasiirka uu codsaday inaan la sii deyn wareysigiisa oo Daparani Show ka mid ahaa balse lasii daayay.
WAREYSIGA HOOS KA DAAWO
Goobjooge.com