Wednesday, June 25, 2025

Baarlamaanka oo maanta bilaabaya akhrintii labaad ee sharciga dhismaha Maxkamadda Dastuuriga

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda uga doodaya ajandeyaal  ay ugu horeyso Sharciga Maxkamadda Dastuuriga akhrintiisa labaad  oo muddo sanad ka badan hor yaalla Baarlamaanka iyo Kharashaadka dowladda dood ku saabsan  oo Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka u qaabilsan ay soo gudbinayaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Kulanka looga doodayo maanta Ajandeyaashaasi, waxaana sidoo uu sheegay in Baarlamaanka uu guda gelayo akhrinta labaad ee Sharciga Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga.

 

Waxaa kaloo jira guddigii Baarlamaanka iyo xukuumadda u direen Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya oo dib u soo laabtay iyadoo aan laga dhageysan warbixintii ay kala soo kulmeen socdaalkooda, iyadoo aan la ogeyn sababta Baarlamaanku ugu dari waayay ajendayaasha maanta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON