Wednesday, June 25, 2025

Xiisad ka taagan xuduudka Kenya iyo Itoobiya markii ay ciidamada Itoobiya dileen askari Kenyaati ah

Dowlada Kenya ayaa ciidamo badan soo dhoobtay xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Ethiopia, kadib markii ciidamo ka tirsan booliska dalka Kenya ay dileen askar u dhalatay dalka Ethiopia oo dhinaca iItoobiya kasoo tallaabay.

Wararka ka imaanaya degaanka Sololo oo ka tirsan degmada Marsabit ee dalka Kenya lagu dilay askar u dhalatay dalka Kenya, kuwaasi oo toogasho ay ku dileen ciidamada dowlada Ethiopia. Dilka askarta dowlada Kenya loo geystay ayaa ka dambeeyay markii ciidamada dowlada Ethiopia oo baadi goobaya kooxo hubeysan oo dilay sarkaal Ethiopian ah ay iska hor imaadeen ciidamada dowlada Kenya kadibna ay is rasaaseeyeen.

Askarta dowlada Ethiopia ayaa isku hareereeyay xaafada oo ay muddo gacanta ku hayeen, iyaga oo halkaasi ka baadi goobaya koox ka tirsaneyd jabhada xorenta Oromada ee loosoo gaabiyo OLF.
Shan kale oo kamid ah ciidamada booliska dowlada Kenya ayaa lagu waayay weerarka ka dhacay deegaanka Sololo, iyadoo wali la baadi goobayo.

Ciidamada dowlada Kenya oo wata gaadiidka dagaalka sida taangiyo ayaa kasoo dhaqaaqay xerada ciidan ee ODHA iyaga loo daabulay dhanka deegaanka Sololo halkaasi oo xiisad ay ka taagan tahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON