Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xsan Afrax ayaa dib loogu celiyay hoygiisa magaalada Beledweyne isagoo dib ugu laabtay xafiiskiisa kadib markii maleeshiyo careysan ay xirteen wadooyinka magaalada una diideen inuu magaalada soo galo.
Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ka socda ayaa gudoomiyaha gobolka Hiiraan geeyay gudaha magaalada, waxaana arrintan ka shaqeeyay odoyaasha beelaha oo maleeshiyooyinka beeleed magaalada xiratay ka qaaday wadooyinka, kadibna ay suuragashay in guddoomiyaha gobolka ku laabto magaalada.
Arrintan ayaa ka dambeysay xiisad ka dhalatay dil magaaladaasi loogu geystay nin u shaqeynayay Q/Midoobay oo lagu magacaabi jiray Mahdi Xuseen Sheekhaal oo dilkiisa lagu eedeeyay ilaalada guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Odayaasha degaanka iyo Ugaaska Beesha xawaadle ayaa dadaal xoog leh ugu jira in xiisada la yareeyo, looga hortago colaad beeleed mar kale ka dhacda magaalada Beledweyne.
Goobjooge.com