Sunday, July 13, 2025

Ergayga Q/Midoobay oo Baydhaba kula kulmay Shariif Xasan & Cumar C/rashiid

Kulan saddex geesood ah ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhaba ku dhex maray wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamul Goboleedka K/Galbeed ayaa markaasi garoonka kasoo sagootinayay wafdiga Ra’iisal wasaaraha, iyadoo isla markaasina uu wakiilka xoghayaha Guud ka degay Baydhaba.  Kulanka ayaa ku saabsanaa macsalaameynta Kay oo xilkiisu dhamaaday iyo arrimaha dhismaha baarlamaanka Maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya oo meel xasaasi ah maraya.

Ergeyga Q/Midoobay ayaa safar sagootin ay ku maraya maamulada dalka isagoo dhowaan booqday  magaalada Garowe, inta uusan dib ugu laaban xarunta Q/Midoobay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON