Wednesday, June 25, 2025

Wakiilka Q/Midoobay oo ku baaqay in degdeg loo sii daayo Weriye Jaamac Daparani

Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay maamulka Puntland ugu baaqay inay sii xabsiga ka sii daayaan weriye Jaamac Daparani oo maamulkaasi u xiran muddo ka badan 5 maalmood, wuxuuna codkiisa ku biray baaqa ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Nicholas Kay oo ka qeyb galay shir warfaafinta uga furmay Muqdisho ayaa ugu baaqay  Maamul Goboleedka Puntland in degdeg loo sii daayo wariye Jaamac Dabaraani.

“Maamulka Puntland waxaan si Xushmad leh uga Codsanayaa in ay siidaayaan Wariyaha u xiran oo ay Ilaaliyaan Xoriyadda hadalka,waxaan mar kale leeyahay Madaxda Puntland Deg deg ha loo siidaayo Wariye Jaamac Dabaraani”ayuu yiri Ergeyga oo dhowaan tegay magaalada Garowe xilkiisuna sii dhammaanayo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo weriyahan xirtay ayaa sheegay in Maxkamad la saari doono dhowaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON