Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed oo ay waheliyaan saraakiil kale oo wehliya ayaa maanta kormeeray xeryaha ciidamada dowladda federaalka ee magaalada Kismaayo.
Taliyahaayaa tegay xarumo ay kamid yihiin dugsigii hore ee ciidamada cirka Soomaaliya ee Akadeemiya oo hadda saldhig u ah ciidamada Jubbaland, sidoo kale wuxuu kormeeray dugsigii 43-aad ee ciidamada xoogga dalka oo saldhig u ah ciidamada isku dhafka ah.
Taliyaha ayaa sidoo kale booqday xarunta Jaamacada Kismaayo halkaasoo mushaarka lacagta loogu qeybinayo Ciidamada dowlada federaalka (SNA) ee Kismaayo.
Gen. Maxamed Aadan Axmed ayaa kormeerkiisa kadib ka warbixyay ujeedada safarkiisa magaalada Kismaayo isagoo sheegay inuu u kuurgalayay xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka.
DAAWO SAWIRO