Wednesday, June 25, 2025

Shirweynaha Hormarinta Warbaahinta Soomaalida oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir looga hadlayo hormarinta warbaahinta Soomaaliya oo ay ka qayb galeen Madaxda Ururada saxaafada Dalka, Madaxda Warbaahinada Qaar ee Dalka, Hay’adaha taageera hormarka saxaafada iyo madax ka socda maamulada dalka.

Shirkan waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka oo hadal furitaan ah jeediyey ayaa sheegay in warbaahinta dalka guud ahaan teed u baahan tahay in latayeeyo sababtaasna ay ka dambayso in shirkan la qabto oo looga tashanayo hormarinta saxaafada.

Wasiir Maareeye wuxuu sheegay natiijada shirkan ka soo baxda in ay noqonayso mid ay ka soo dhex baxday dhamaan qaybaha shirka kuwa jira ayna uwada dhan yihiin dhamaan xubnaha maamulada dalka, dowladda federaalka iyo Warbaahinda madaxa banaan.

Shirka waxaa hadalo ka soo jeediyey wasiirada warfaafinta maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, dhinaca Puntland waxaa shirka ka baaqday wasiirka warfaafinta maamulkaasi iyadoo uu uga qeyb talay  Afhayeenka Madaxtooyada Puntland C/llaahi Maxamed Quraan Jecel.

Dhamaantood waxay si yaabo kala duwan uga hadleen marxaladaha kala duwan ee saxaafada dalka ay kaga jirto dhamaan maamul goboledyada iyo gobolada dalka iyagoo sheegay in shirkoodan ay ku soo gudbin doonaan talooyinka hormarinta saxaafada Dalka.

Dhinaca kale waxaa meesha ka hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, Xubno ka socday Ururada Saxaafada Dalka iyo Hay’ada Saxaafada la shaqeeya.

Qodobo laga doodayo ayaa ka mid ah.

  • in ay fursad isu helaan wasaaradaha warfaafinta dowladda dhexe iyo wasaaradaha warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah, si ay isaga xaaladda warbaahinta dalka iyo sida loo horumarin karo.
  • In warbaahinta madaxa bannaan fursad isu hesho si ay u sameystaan siyaasad la xiriirta habka ay bulshada soomaaliyeed farriin sax ah u gaarsiin lahaayeen.
  • In aan fursad u helno hay’adaha taageera warbaahitna Soomaaliya, si ay u ogaadaan baahida dhabta ah ee ay qabaan warbaahinta Soomaaliiyeed, lana nidaamiyo caawimaadda ay siiyaan warbaahinta Soomaaliyeed.

DAAWO SAWIRRO

IMG_0489

IMG_0459
IMG_0500

IMG_0498

IMG_0496

IMG_0494
IMG_0472
IMG_0419

kayGoobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON