Siyaasiinta iyo odayaasha dhaqanka Beesha SADE ee taabacan maamulka Axmed Madoobe ee Jubba ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ku sheegay inay ugu gogol xaarayaan shirka dib u heshiisiitna beeshaasi iyo maamulka Jubba oo in muddo ah dib u dhacay.
Kulanka oo ka dhacay xarunta lagu ccaleemo saaray Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo waxaa kaqeyb galay siyaasiyiinta beesha Sade ee la safan Axmed Madoobe iyo qaar dhowaan ku biiray oo ay ka mid yihiin:
- Cabdullahi Ismaaciil Fartaag,
- Cabdirashiid Janan
- Sheekh Maxamed Aw Libaax
- Xildhibaanada Beesha ee Baarlamaanka Jubba
- Odayaasha dhaqanka beesha SADE ee ku sugan Kismaayo
Kkulanka layaa looga dooday sidii beesha uga wada qeyb gali lahayd shirka dib u heshisiinta ka dhici doona magaalada Kismaayo. C/laahi Fartaag oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in beesha looga baahan yahay in shirka ay u dhamaato si Jubbaland loogu midoobo.
Shirka dib u heshiisinta ayaa la sheegay in markan uu hogaamin doono wsiirka Gaashaandhiga DFS Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini , iyadoo siyaasiyiinta beeshan ee diidan maamulka Jubba aan weli lagu guuleysan in lagu qanciyo shirka ka dhacaya Kismaayo.
Goobjooge.com