Monday, July 14, 2025

DAAWO Cali Khaliif: “Xasan Sheekh ayaa igu yiri hadii Dhulbahante isu tago cidna kama hor istaagi karto maamul goboleed”

Madaxweynaha Maamulka KhaatumoProf. Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaca ka qaaday in uu ballanqaad fiican  ka heysto Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ah Khaatumo haddii ay  heshiiso oo midowdo  inaysan jirin cid ka hor istaagi karta xukuumad iyo maamul rasmi  oo ay yeeshaan.

Col. Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlayay Xaflad dhowaan ka dhacday  magaalada Nairobi  ayaa ka hadlay arimo xasaasi ah oo lku saansam  beesha Khaatumo ee ku dhaqan gudaha iyo dibadda dalka.

“Xoogaa nal yar baa muuqda, oo ay xukuumadda dhexe ee dalku leedahay hadii Dhulbahante isu tago oo heshiiyo ma jiro cid ka hor istaagi karta maamul goboleed sax ah” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.

“Warhooy  Aniga Hargeysa wax iga yaalaa ma jiraan, hadiiba ay iyagu iska badbaadaan waan u duceyneynaa, Garowena madaxweyneheedii baa ka cararay wax naga yaalaana ma jiraan, waxaan ugu duceyneynaa inta naga jirta in uu ilaah ka badbaadiyo” sidaasi waxaa markale yiri Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON