Thursday, June 26, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula qaabilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Norway

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway, Mr Kjell Magne Bondevik, oo haatan ah madaxa hay’adda loo yaqaano Oslo Centre for Peace and Human Rights.

Madaxweynaha iyo Mr Bondevik ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal iyo kaalinta hay’adda Oslo Centre ay ka qaadan karto dhismaha asxaabta siyaasadeed iyo dimoqraadiyeynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Norway ay ka mid tahay waddamada hormuudka u noqdey dib u dhiska Soomaaliya, mashaariicda ay dalka ka fuliyeenna ay yihiin kuwo muuqda.

Mr Bondevik ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya, horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, isagoo intaa raaciyay in hay’adda uu madaxda ka yahay Oslo Centre for Peace and Human Rights ay kaalin muuqata ka qaadan doonto dhismaha hay’adaha siyaasadda iyo fidinta dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON