Thursday, June 26, 2025

Daacish oo weeraro ka bilowday Waqooyiga Bari ee Soomaaliya

Kooxda cusub ee ku biritay Daacish, kana mid ahaan jirtay ururka Al-shabaab ee  fadhigoodu yahay Buuralayda Galgala ayaa weerarkoodii ugu horeeyay tan iyo intii ay shaaciyeen inay ku biireen Daacish ku qaaday fariisan ay lahaayeen ciidamada  Puntland  ee halkaasi ku sugan.

Wararka laga helayo degaankaasi ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu dhex maray labada dhinac sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Puntland ee Galgala. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan cusub, waxaana kooxda Al-shabaab  ee Daacish ku biirtay ay baahiyeen inay guulo ay gaareen dagaalka,

Ciidamada Puntland  ayaan wax war kasoo bixin oo dhaafsiisan inay inay dib ugu celiyeen weerarkii lagu soo qaaday.

Ururka Al-shabaab garabkiisa ku sugnaa Buuralayda Galgala ayaa horay u caddeeyay  inay ku biireen Kooxda Daacish ee dalalka Ciraaq , waana markii ugu horeysay ee ay howgal  dagaal fuliyaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON