Wednesday, June 25, 2025

Afhayeenkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo xilka iska casilay (Akhri faahfaahinta)

Afhayeenkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/fitaax Daahir Mire ayaa maanta shaaciyay inuu iska casilay xilkii Afhayeenka Wasaaradda kadib in muddo ah oo aan wax shaqo ah loo diran isla markaana loo muujiyay in xilkiisa aanu ahayn mid wasaaraddu u baahan tahay.

C/fitaax Daahir Mirre ayaa sheegay in ka shaqeyn waayay Wasiirka Wasaaradda C/raxmaan Maxamed Xuseen oo uu ku eedeeyay inuu faragalin ku hayay shaqadiisii Afhayeen-nimo. “Maanta oo ay tahay 28-ka Bisha November waxaan Go’aan saday in aan iskaga tago Shaqdii aan u hayay Ummadda Soomaaliyeed ee aheyd Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, maadaama aan shaqsiyaad ka wadi waayay Howsha Qaran” ayuu afhayeenka hore ku yiri Go’aankiisa oo Bogiisa Facebooka uu soo dhigay.

Afhayeenada Wasaaradaha ayaa ah xilal inta badan loo arko inay yihiin kuwo aan loo baahneyn oo wasiirada qaarkood ay boos buuxis ahaan u sameystaan, mar haddii uu jiro afhayeen xukuumadeed, wasiir warfaafin iyo wasiir ku xigeeno fara badan.

Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre ayaa xilkan ku soo  kordhiyay wasaaradda, wuxuuna xilkan u magcaabay mas’uulka hadda is casilay 3 November 2014.

WAREEGTADII MAGACAABIDDA FHAYEENKA HOOS KA AKHRI 

SO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON