Thursday, July 17, 2025

Guddi Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya magacaabay oo caawa gaaray magaalada Gaalkacyo

Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Maxamed Odowaa ayna ka mid yihiin wasiiro iyo taliyaha ciidamada xoogga ayaa caawa gaaray gelinkii danbe ee maanta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo maanta dagaalo qaraar ka dhaceen.

Xubnahan oo ka mid ahaa wafdigii Ra’iisal wasaaraha ayaa loo xil saaray dejinta xiisada colaadeed ee magaalada Gaalkacyo, waxaana magaalada Gaalkacyo ay ka bilaabeen waanwaan ay doonayaan inay labada dhinac kala dhex dhigaan si loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada oo maanta oo kaliya ay dad badan ku dhinteen.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku eedeynaya inuu dagaalka bilaabay dhinaca kale iyadoo mid waliba uu guulo ka sheeganayo dagaalkii maanta dhacay. Guddiga xukuumadda Soomaaliya ayaa fursadaha ay heystaan inay nabad ka dhaliyaan labada dhinac ee dagaalamaya ay ku xiran tahay nabad ka dhacda Gaalkacyo.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON