Wednesday, June 25, 2025

Wakiilka Q/Midoobay oo hanjabaad u jeediyay madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug

Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Nicholas Kay oo war ka soo saaray dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay dagaalkaasi uu yahay dembi dagaal oo dadka lugta ku leh ay galeen.

Wakiilka  ayaa sheegay inay dembi dagaal tahay  haddii hubka culus lala dhaco shacabka ku dhaqan xarunta Gobolka Mudug, “Waa dembi dagaal, in madaafiic lala dhaco dadka rayidka, Maxkamad ayaana la soo taaggi karaa kuwa ka masuulka ah dagaalka” Ayuu yiri Nicholas Kay oo hadalkan ku sheegay war qoraal ah oo dagaalada Gaalkacyo uu ka soo saaray.

Nicholas Kay ayaa ku baaqay in adegdeg loo joojiyo colaada magaalada Gaalkacyo ka socota. isagoo sheegay in uu baaqiisa u diray  madaxda labada maamul ee dagaalku ka dhaxeeyo.

Waa markii ugu horeysay ee wakiilka Q/Midoobay uu ka hadlo xaalada magaalada Gaalkacyo, waxaana wakiilku isu diyaarinayaa inuu xilka banneeyo kadib markii ay dhammaatay mudadii uu xilkan hayay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON