Waxaa goor dhoweyd xabsiga Magaalada Garowe laga siid aayay Suxufiga Jaamac Yuusuf (Jaamac Deperaani) kadib markii uu muddo 10 maalmood ah u xirnaa wasiirka warfaafinta Putnland.
Sii deynta Jaamac waxaa dadaal u galay Ururka Saxafiyiinta Puntland Ee MAP, Iyo Ururada Kale ee ka shaqeeya Xaquuqda aadanaha. Warqad kasoo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal ayaa lagu amray in si deg deg ah Xabsiga looga sii daayo Wariye Jaamac Deperaani, iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin sida uu hore u sheegay wasiir Soocade.
Tixraaca warqada oo sumadeedu aheyd XI/GN/398/2015, Waxaana La qoray 29-11-2015, iyadoona sidoo kale lagu xusay in warqadaan ay ka soo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal, Waxaana lagu sheegay sidoo kale in Si deg deg ah Xabsiga Looga sii daayo Wariye Jaamac Deperaani oo u Shaqeeya Tv-ga Somali Chennal.
Wariye Jaamac deperaani oo hadda xoriyadiisa dib u helay ayaa dib ugu noqday xaruntiisa waxaana la filayaa inuu saxaafadda la hadlo iyadoo ururka saxafiyiitna Puntland uu faahfaahin ka bixin doono sii deyntiisa.
Maamulka Puntland ayaa muddooyinkii ku howlanaa inuu xiro saxafiyiinta iyo warbaahinta ka howl gasha degaanada uu ka taliyo isagoo xiriirka uu al leeyahay saxaafadda xorta uu sii xumaaday.
Goobjooge.com