Maamulka Galmudug ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo bandhigeen Maxaabiis Maamulka Puntland looga qabtay dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, iyadoo kadibna lagu wareejiyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke kadib kulankii uu la qaatay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Maxaabisita ayaa lagu soo bandhigay xarunta Taliska Ciidamada Booliska Galmudug iyagoo dhammaa lix askari oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland oo la qabtay xili ay dagaal kula jireen Ciidamada Galmudug.
Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug ee Gobolka Mudug Maxamed Nuur Cali Gadaar oo Warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay Maxaabiistan ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay maxaabiistan aynasi Soomaalinimo ah u xanaaneeyeen.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa maamulka Galmudug uga mahad celiyay maxaabiista ay ku wareejiyeen, wuxuuna ku amaanay tallaabada Soomaalinimo ee ay qaadeen.
Goobjooge.com