Wufuuda Beesha caalamka ee ka kal socda Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey oo ay wehliyaan wafdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa kulan kula leh dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo madaxweynaha Galmudug iyo mas’uuiyiinta maamulkiisa.
Kulankan ayaa ka dambeeyay fadhi ay xubnahan la qaateen saaka madaxweynaha Puntland oo lagu ogoleysiiyay inuu saxiixo heshiis afar qodob ka kooban oo markii uu hore uu diidanaa, waxaana kulanka Koonfurta Gaalkacyo ka socda ku sugan Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka, Madaxweynaha Maamulka Jubba, madaxweynaha Koonfur Galbeed, wakiilada ka socda Beesha Caalamka, waana kulan ay albaabada u xiran yihiin .
Wararka ayaa sheegaya in kulankan xoogga lagu saarayo dhaqan gelinta heshiiska labada dhinac ogolaadeen iyo qaabka loo bilaabayo wadahadalka labada dhinac oo la isku hayo cidda ka qeyb galeysa.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa hore u sheegay inuu ogolaatay waanwaanta ay wado dowladda Federaalka, isla markaana uu diyaar u yahay fulinta qodobada heshiiska.
Goobjooge.com