Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa geeriyooday kadib markii uu in muddo ah u xanuunsanaa cudurka Kansarka oo uu qabay wuxuuna ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Geerida xildhibaan Sadiiq C/kariin Muxumed ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xerow oo ay ehel yihiin oo sheegay inuu ahaa xildhibaan Baarlamaanka ku soo jiray tan iyo 2012, isagoo ka soo jeeda Soomaalida Kenya kuna dhashay magaalada Wajeer sanadkii 1957-kii, wuxuuna xildhibaanka ka tegay xaas iyo 8 caruur ah.
Geerida xildhibaanka waxaa ka tacsiyadeeyay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda sare ee dowlada Soomaaliya, iyadoo lagu aasi doono caasimadda Soomaaliya.
Goobjooge.com