Saturday, July 26, 2025

Dhageyso Xildhibaan Jeesow: “Gaalkacyo halo sameeyo maamul ka madax bannaan Puntland & Galmudug”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka ayaa sheegay in xal uu sheegay in loo helo karo magaalada kala qeybsan ee Gaalkacyo, wuxuuna soo jeediyay in talo ah in magaaladaasi loo sameeyo maamul ka madax banaan Puntland iyo Galmudug oo si toos ah u hoos taga dowladda Federaalka inta ilaa shacabka ay gaaraan inay maamul soo doortaan.

“Waxaa muhiim ah in la keeno xal cusub oo sidaan ka duwan, in mid la raaciyo Labada maamul Gobaleed Gaalkacyo, ama in Labada maamul laga madax banaaneeyo oo loo sameeyo maamul ay dadka soo doortaan, oo a waafajinayo sharciga oo beelaha dhan u wada dhan yihiin, ayna noqdaan kuwo ka caagan faragelinta Labada maamul ilaa uu imaanayo xal ah doorasho dadka ay dhiibtaan oo ay ku dooranayaan maamulka ay raacayaan” ayuu yiri xildhibaanka.

Xala Xildhaan Jeesow ayaa u muuqda mid aan u cutameynin labada maamul ee isku haya magaalada Gaalkacyo, waxayna magaalada ka mid tahay meelaha muranka xuduudaha ka taagan yahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON