Saturday, July 5, 2025

Shir u furmay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug iyo ciidamada labada dhinac oo la kala qaadayo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in shir kale maanta ku yeesheen  Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yusuf magaalada Gaalkacyo madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke,  Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Wasiirada arrimaha gudaha iyo  Caddaaladda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada hogaamiye oo la sheegay inay shalay  isku dhaaarsadeen hirgelinta heshiiskoodi ayaa maanta bilaabay  qaabkii loo kala qaadi lahaa ciidamada labada dhinac oo guddi wadajir ah loo xil saaray.

Shirka labada dhinac ayaa marka uu dhammaado lagu wadaa inay tagaan jiidda hore ee dagaalka oo laga bilaabo kala qaadista ciidamada labada dhinac.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON