Friday, July 11, 2025

Alshabab oo weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo ka tirsan dowladda duleedka Beledweyne

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal kulul ka dhacay deegaanka Baar oo  25km dhinac galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne, kaasoo dhex maray  ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab oo weerar kedis ah soo qaaday.

Maxamed Cumar Cabdulle, oo ah abaanduullaha guutada 10-aad ee ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa  sheegay in ciidankooda ay saaka soo weerareen maleeshiyada Al-Shabaab, oo dagaalkuna uu sidaas ku billowday. Wuxuu intaas ku darayin dagaalka oo socday in ka badan laba saacadood ay al-Shabaab kaga dileen 14 maleeshiyo, dhankoodana ay ka dhaawacmeen 7 askari.

Maxamed Cumar ayaa sheegay in markii dambe ciidammo gurmad ay ka heleen deegaannada ku dhaw-dhaw halka uu dagaalka ka dhacay, taasoo keentay ayuu yiri inaan dagaalka ku jabino Al-shabaab. Inta Al-shabaab oo lagala wareegay degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa si joogto ah weeraro  ku qaadeen ciidammada dowladda  iyo kuwa AMISOM.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON