Friday, July 11, 2025

Ciidamadii Puntland iyo Galmudug ee isku hor fadhiyay Gaalkacyo oo la kala qaadayo

Qodobkii ugu weynaa heshiiska Gaalkacyo ayaa si rasmi ah fulintiisa uga socotaa magaalada Gaalkacyo iyadoo maamulada Puntland iyo Galmudug ay dhaqan geliyeen  kala qaadista ciidamada is horfadhiyay. Wararka ayaa sheegaya in  maanta la kala qaaday ciidamadii  labada dhinac ee is hor fadhiyay.

Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa laga raray aagagii ay isku fadhiyeen iyadoo la geeyay xerooyin ciidan oo duleedka magaalada ku yaala, waxaana howshan kormeer ka ahaa  wafdiga Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo saraakiisha ciidamada labada dhinac.

Xaalada Magaalada ayaa maabta degan, iyadoo ay meesha ka baxday xaaladii dagaal iyo ciidamadii faraha badnaa  ee gudaha magaalada ku jiray.

Waxaana la filayaa in wafdiga Ra’iisal wasaaraha ay xaqiijiyaan in ciidamada oo dhan laga qaaday, magaalada inta aan loo gudbin qodobada kale ee heshiiska oo fulintooda loo fadhiyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON