Fal Mindi lagu dhaawacay saddex ruux ayaa ka dhacay goob boosteejo ah oo ku taallla London ee dalka Ingiriiska, iyadoo falkan argagax ka abuuray magaalada Londo. Booliska UK ayaa baarayaan inay arrintan tahay “dhacdo argagixiso”, iyadoo weerarkan uu dhacay xalay xilliga fiidka ee London.
Qof ayaa la sheegay inay booliska xireen kadib dhacdadaasi oo dadka lagu dhaawacay mid ka mida xaaladiisu liidato, waana arrin laga bartay Falastiiniyiinta la dagaalamaya Yuhuudda dhulkooda heysata.
Booliska ayaa laga soo xigtay in qofka weerarka Tooreyda qaaday uu si xiriir ah dadka u handadayay. Waxaa la sheegay in ninka Mindida haystay uu weerarka la beegsaday dhowr qof taasoo keentay in lagu ka kala cararo boosteejada bartamaha London ee Leytonston.
Taliyaha hogaaminaya ciidamada waxa loogu yeeray argagixisa ladagaallanka Richard Walton, waxa uu sheegay “in arrintan ay ula dhaqmayaan sida dhacdo argagixiso”, wuxuuna dadka London ku nool u sheegay inay feejignaadaan oo ayna isdejiyaan, lana socdaa hareerahooda xaaladda ka taagan.
Goobjooge.com