Monday, July 14, 2025

Kooxda Daacish oo sheegatay weerarkii lagu dilay Guddoomiyaha magaalada Cadan ee dalka Yeman

Guddoomiyihii magaalada Cadan ee Koofurta Yemen Jacfar  Sacad iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa ayaa lagu dilay qarax ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax oo jidka dhinaciisa loo dhigay xilli uu ku sii jeeday shaqadiisa.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu dilay Guddoomiyaha magaalada Cadan, waxayna ku hanjabtay inay sii wadi doonto beegsiga madaxda Yeman. Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhintay qaar ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Cadan Jacfar Sacad oo gaariga la saarnaa, xilliga qaraxa dhacay.

Kooxda ISIS ayaa bilihii la soo dhaafay ku xoogeysanayay dalka Yemen, iyagoo qaaday weeraro qaraxyo ay la beegsatay dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta. Guddoomiyaha magaalada Cadan ayaa xiriir dhow la lahaa Madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Mansour Hadi oo muddo bilooyin ah musaafuris kaga maqnaa Yemen.

Madaxweynaha Yemen Abdirabbi Mansuur ayaa amray in baaritaan buuxa lagu sameeyo dilka dauqa magaalada iyo Guddoomiyaha Cadan ee xarunta kumeelgaarka u ah dowladda ay taageeraan dalalka Khaliijka.

الانفجار أدى إلى مقتل المحافظ وثمانية من مرافقيه (ناشطون)

Goobooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON