Sunday, June 22, 2025

Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir oo isbedel ku sameynaya ammaanka Muqdisho (Sawirro)

Taliyeyaasha  Laamaha Amniga Gobolka Banaadir iyo Maamulka Goboka Banaadir ayaa maanta shirkoodii ugu horeeyay ka yeeshay Xasilinta Nabadgelyada Magaalada Muqdisho, iyadoo uu isugu yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo sheegay in isbedel lagu sameynayo ammaanka Muqdisho.

Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo shirkan ku yeeshay xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho ayaa ka dooday qaabka howlgaladda amaanka caasimadda la isugu xiri karo. Waxaana ujeedada ahayd in maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka  ka tashadaan sidii loo heli lahaa qorshe ammaan oo cad.

Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in magalada Muqdhisho Amnigeeda is bedel lagu sameyn doono isla markaasina uu jiri doono iskaashi dhinaca amniga ah oo dhex mari doona laamaha Amniga iyo Maamulka Gobolka.

Ad

Gudoomiyaha aya sidoo kale caddeeyay in shirarka noocan oo kale ah noqon doonaan kuw joogyo ah, waxaana shirka looga yeeray Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur si  uu uga warbixiyo muranka dhinaca dhulalka ah ee ka taagan caasimadda.

DAAWO SAWIRRO

gdhyhyhkaklo

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON