Madaxweynaha Ahlu suna Sheekh Maxamed Shaakir iyo ciidamo uu wato ayaa gaaray degaanka Olol ee hoostaga degmada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud, halkaasoo shalaya lagu dilay mas’ul ka tirsanaa maamulka Ahllu-sana oo lagu magacaabi jiray Feysal Yuusuf Goobe.
Xaalada degaankaasi ayaa kacsan iyadoo la sheegay in dadka tuuladaasi ku nool iyo Ahlu suna xiisad u dhaxeyso, waxaana halkaasi buux dhaafiyay maleeshiyada Ahlu suna iyo Gaadiidka dagaalka ee ay wataan. Dada badan ah oo kuwa degaanka ayaa isaga baxay degaanka markii ay ka war heleen ciidamada ku soo jeeda.
Waxaa jirtay cabsi laga qabo in Ahlu suna aargudasho ahaan dadka degaaka tallaabo uga qaado, taasoo keentay in dad badan ay isaga baxaan degaanka oo Ahlu suna ku tuhusan tahay inay taageersan yihiin mamaulka Galmudug.
Goobjooge.com