Wednesday, July 16, 2025

Mareykanka oo loo gacan gelinayo Nin Somali-Mareykan Alshabab ahaa oo isu dhiibay dowladda Somalia

Nin Soomaalida Mareykanka ka soo jeeda oo ku biiray Alshabaab, kaasoo ku caan baxay qoraalada uu dhigo baraha bulshada isagoo ku boorin jiray taageerayaasha kooxda ISIL inay weeraraan wadanka Mareykanka ayaa Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka caddeysay  inuu  isku dhiibay dowlada Soomaaliya.

Wiilkan Soomaali Mareykanka ah oo lagu magacaabo Maxamad Cabdullahi Xasan oo Al-shabab  kusoo biiray 7 sano kahor, waxaaa loo yiqiin Abuu Miski ayaa 6-da November  isku dhiibay ciidamada dowlada Soomaaliya sida lagu sheegay Wwakaalada wararka ee AP kasoo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pooja Jhunjhunwala ayaa xaqiijisay in Miski uu kujiro saldhig ciidamada dowlada Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Waxayna intaasi ku dartay  in Mareykanka iyo dowlada Soomaaliya ka wadahadalayaan sidii loo gacan gelin lahaa Mareykanka.

Xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee Minnesota ayaa Xasan horay ugu soo oogay inuu ku lug leeyahay falal argagixiso. Xafiiska FBI-da Mareykanka ee Minneapolis ayaa ka gaabsaday inuu  ka hadlo arintan Maxamad Xasan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON