Friday, August 1, 2025

SAWIRRO: Ciidamada AMISOM oo qabtay Mareykab sharci darro uga kaluumeysanayay xeebaha Kismaayo & 9 ruux oo saarnaa

Ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya kuna sugan dekadda magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku soo dhigay  Markab la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay kalluumeysi sharci darro ah ka waday nawaaxiga Xeebaha magaalada Kismaayo. Ciidamada AMISOM waxaa howgalka ay Markabka ku soo qabteen ku waheliyay ciidamo ka tirsan Maamulka Jubba.

Masuulyiinta AMISOM ayaa Markabka iyo 9 Ruux oo saarnaa ku wareejiyay Masuulyiinta Maamulka Jubba, waxaana la sheegay in Markabka la sheegay inuu ka diiwaan gashan yahay Jasiirada Madagaskar.

Taliyaha Ciidamada AMSIOM ee qeybta Kismaayo ayaa sheegay inay la dagaallami doonaan Maraakiibta Kalluumeysiga sharci darrada ah ka fuliya xeebaha Gobbolka Jubbada Hoose. Afhayeenka Maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax oo warbaahinta kula hadlay Dekadda magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Markabkaan oo laga leeyahay Wadanka Madagaskar islamarkaana ay saaranyihiin 9 ruux ay maalmihii ugu dambeeyay si sharci darra ah uga kalluumeysanayeen Xeebaha Gobbolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya.

DAAWO SAWIRRO

DSC_0001DSC_0005DSC_0012DSC_0014DSC_0015DSC_0016DSC_0021DSC_0023DSC_0024DSC_0026DSC_0028DSC_0032DSC_0034DSC_0038

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON