Saturday, July 12, 2025

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo shaaciyay in boob lagu hayo hantida Dowladda

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali daahir ayaa ku baaqay in Hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in la  dagaalamaan musuqmaasuq uu sheegay inuu ragaadiyey Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha ayaa ka hadlay inay waayadan danbe soo badanayaan boobka iyo dhaca dhulka hay’adaha dowladda iyo kuwa shacabka leeyihiin, isagoo caddeeyay inay jiraan dad sidii ay doonaan ka yeela, kuna takri fala dhulalka, guryaha iyo hantidii  dowladda.

Xeer ilaaliyaha ayaa caddeeyay inay la xisaabtan jiri doono, qof kastaa waxa uu geystey lagula xisaabtami doono.”Waxa laga yaabaa daruufaha, waqtiga, imkaaniyaadka, xiliyada iyo goobta inay saamixi waayaan la xisaabtan ama talaabo sharci in laga qaado shaqsigii ama hay’adii musuqmaasuqa ku kacday” ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir oo intaas ku daray in xisaabtan jiri doono.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay muhiimad tahey baaritaan la sameeyo, baaritaan ka dib sharciga la horkeeni doono, haddii aan maanta la keeni waayo, berri ayaa la keeni doono ama waqti kale, isagoo u digay hay’adaha dowladda ee arrimahaas faraha kula jira.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON