Sarkaal ka tirsan ciidamada Nabadsugidda dowladda ayaa ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay Wadada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho kadib markii Gaari uu watay oo nooca Carib ah loo xiray waxyaabaha qarxa xili uu marayay afaafka Iridka hore ee Saldhiga Booliska degmada Waaberi.
Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed C/llaahi Gardhuub, isagoo qaraxa uu ka soo gaaray dhaawac culus, kaidbna uu dhaawicii ugu dhintay isbitaalka.
Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa Miino lagu soo xiray gaariga Sargaalka dhintay isla markaana uu ku qarxay xilli uu marayay albaabka Saldhiga Degmada Waaberi.
Qaraxyadanlagu xiro gawaarida ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho, kuwaas oo waxyeelo ay ka soo gaarto Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo dad Shacab ah.
Goobjooge.com