Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si degdeg uga hor yimid tallaabadii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo dhowaan shaaciyay inuu ku wareejiyay Xaruntii Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere Milkiilaha Telefishanka Universal isagoo sheegay in loo bedelayo xarun dalxiis.
Shirkii xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta ayaa xildhibaano badan ku soo dareen doodii maanta ee lagu ansixiyay sharciga Iibka, waxaana xildhibaanada ay caddeyeen inaan xaruntii Barlamaanka Somalia ee hore cidna lagu wareejin karin, iyadoo qaarkood dalbaday in baaritaan lagu sameeyo arrintan.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in arrintaasi dedeg loogu saarayo guddi, isla markaana ay dhinacooda si cad u sheegayaan inaan xaruntii hore ee Baarlamaanka cidna lagu wareejin karin.
Hore ayaa Guddiga joogtada ee Baarlamaanka u soo bandhigeen nashqad muujineysa in dayactir lagu sameeyo xarunta Ex Baarlamaan, iyadoo aan la ogeyn halka uu qorshahaas ku dambeeyay, waxaan maalgelintiisa balan qaaday dalka Imaaraadka Carabta.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo waqti kooban xilka haya ayaa durba ku soo jeestay inuu hantida dowladda iibiyo ama shaqsiyaad ku wareejiyo arrintan oo ahayd waxyaabihii hore loo eedeeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolk Banaadir.
Goobjooge.com