Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka noqday warkii uu maalmo ka hore ugu dhawaaqay ee ahaa in dhismihii hore ee Ex- Baarlamaanka uu ku wareejiyay milkiilaha Telefishinka Universal Eng. Axmadey Abuubakar oo uu meel fagaare ah ka sheegay kadib markii buuq weyn ka dhashay arrintan.
Sheekh Yuusuf Jimcaale ayaa been abuur ku tilmaamay inuu isagu wareejiyay dhismihii hore ee Baarlamaanka ku wareejiyay Telefishanka Universal, isla markaana si khaldan loo fasiray warkii uu sheegay, isagoo mar kale yiri “Xaruntaan waxaa loo beddeli doonaa jardiin lagu nasto oo dhir leh”.
Wuxuu Yuusuf Boorsaani ku dooday in maamulka Gobolka Banaadir uu bilicda magaalada iyo xarumaha kale la kaashanayo hay’addaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada. “Haddii aan ku heshiino inaad gurigaan iriddiisa xaaqdid, micnaheedu maaha inaan kugu wareejiyay” ayuu yiri Guddoomiye Gobolka Banaadir oo hadalkii hore uga soo yeeray ku sheegay ku koobay inuu ula jeeday nadiifin.
Isbedelka Yuusuf Boorsaani ayaa yimid kadib Guddoonka baarlamaanka u yeeray una sheegay inuusan bixin karin dhismaha Baarlamaanka isla markaana xildhibaanada Baarlamaanka ay qeylo dhaan xoog leh ka keeneen falka Gudoomiyaha Gobolka Banadir
Goobjooge.com