Waxaa saaka hakad galay dhamaa howlihii shaqo ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalada Muqdisho, iyadoo ay baaqdeen qaarna dib loo dhigay duulimaadyadii sida caadiga ah u iman jiray Garoonka.
Arrintan ayaa ka danbeysay baaritaan lagu hayay garoonka iyo xeebta garonka oo xalay Doonyo hubeysan ay soo weerareen, iyadoo muddo dhow saacad ay rasaas ka socotay garoonka iyo agagarkiisa.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaan wax war ah ka soo saarin xaaladda garoonka iyo weerarka lagu qaaday xalay, waxaana muddo kadib la sheegay in garoonku caadi ku soo laabtay.
Xaaladda Garoonka Diyaradaha Ee Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho ayaa hada caadi ku soo noqotay waxaana shaqeynaya dhaman adegyadii Garoonka.
Goobjooge.com