Monday, July 14, 2025

C/weli Gaas iyo Cali Maxamed Geedi oo ku heshiiyay qorshe looga horjeedo madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa  olole siyaasadeed ka bilaabay magaalada Muqdisho isagoo abaabul ka dhex sameeyay Beesha uu ka soo jeedo madaxweyne Xasan Sheekh, kadib wadahadal dhex maray siyaasiyiin uu horkacayay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

C/weli Gaas ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Muddulood kala hadlay arrinta la isku heysto ee ah in qaabka 4.5 lagu saleeyo doorashada Baarlamaanka soo socda, iyadoo shirkaasi kadib lagu heshiiyay in la taageero qaabka degaanada iyo degmooyinka in lagu saleeyo. Labada beelood ee labadan mas’uul ayaa is tusiyay inay dan weyni ugu jirto qaabka degmooyinka.

Xubno ay ka mid yihiin Cali Maxamed Geedi ayaa abaabulay beesha Muddulood qaar ka mid iyadoo si cad u taageeray qaabka degmooyinka in lagu soo xulo baarlamaanka cusub oo marna aan dib loogu noqon nidaamkii 4.5. Shirkii arrintaasi lagu soo bandhigay waxaa tegay ciidamo nabadsugid ah oo uu wato taliyaha NISA, iyadoo halkaasi lagu hakiyay shirkaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON