Monday, June 23, 2025

C/kariin Guuleed: “Anigaa madaxweyne u ah dadka Goboladda Hiiraan & Shabeelaha Dhexe inta……”

Wafdi ka socda dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta gaaray Magaalada Baledweyne ayaa kulan la yeeshay Odayaasha Labada Dhinac ee ku Dagaalamay Galbeedka Magaaladaasi, iyadoo kala hadlay sidii colaada loo joojin lahaa.

Kulanka oo ahaa mid Saacado qaatay ayaa waxaa looga hadlay sidii Odayaasha Labada Dhinac ay u qaadan lahaayeen Xabad Joojinta ay Waxgaradka Gobolka Hiiraan  gelinkii danbe ee shalay uga dhawaaqay Magaalada, waxaana sidoo kale Wafdiga maanta gaaray Baledweyne ay fareen in aan wax kale oo Xabad ah la ridin islamarkaana waxii dhacay laga wada hadlo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hadal uu ka jeediyay kulanka si adag ugu tirtirsiiyay odayaasha dhaqanka inay soo afjaraan colaada ka taagan Beledweyne wixii ku cuslaadana ay la kaashadaan wafdiga maanta tegay magaalada, “Aniga si gaara ayay ii taabaneysaa colaadan, waxaan madaxweynaha u ahay Hiiraan iyo Sh/dhexe inta ay maamul ka dhisanayaan…” ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Ad

Wafdiga waxaa hogaaminayay Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, waxaana ka mida wasiirka Dhalinyarada, wasiirka Batroolka Xukumadda Soomaaliya iyo Xildhibaano ka mid ah Federaalka.

Wararka kale ee Beledweyne ayaa sheegaya inay wafdiga kulamo la qaateen maamulka Gobolka Hiiraan, kan degmada iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaalida, waxaana arrintan u xil saaray madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo ku mashquulsan shirka wadatashiga.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON