Wararkii ugu danbeeyay ee saaka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne oo xiisad colaadeed ku dhex martay laba maleeshiyo beeleed ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay kala dhex galeen Maleeshiyaadkii isku hor fadhiyay xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada si loo dhaqan geliyo xabad joojinta odayaasha dhaqanka.
Khaliif Cabdi Cumar Guddoomiye Kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay Saaka kala dhex galeen Maleeshiyaadka ku dagaalamay Galbeedka Magaalada islamarkaana ay ku farax san yihiin Maamul ahaan Talaabadaasi ay qaadeen si loo damiyo colaada loona dhaqan geliyo xabad joojinta.
Wafdiga ka socda dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa lagu wadaa inay maanta tagaan xaafada lagu dagaalamay, iyadoo tallaabada xigta ay noqon doonto in maleeshiyaadka la kala qaado.
Goobjooge.com