Iyadoo la isku mari waayay qaabka la qaadanayo ee doorashada 2016-ka ayaa shirar kala gaar ah oo u socday Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada waxaa xeerjajab ahaan ay iskula gaareen in labada qaab ee 4.5 iyo degaanka la isku dhex wado, iyadoo aqal sare la sameynayo.
Doodaha u socda madaxda sare arrimaha lagu soo qaado waxaa ka mida:
- In la sameeyo Aqalka sare ee Baarlamaanka laguna soo xulo qaab degaan.
- In aqalka hoose ee Baarlamaanka  lagu soo xulayo nidaamka 4.5
- In degmo kasta laga soo xulo hal xildhibaan(92 Xildhibaan) tirada kalena lagu soo xulo qaab 4.5.
Arrimahan ayaa u baahday la-tashiyo dheeraad ah, taasoo madaxdu ay isla garteen inay dib ugula noqdaan maamuladooda kadibna shir kale lagu go’aamiyo qaabkan. Arrintan ayaa madaxda dowladda Federaalka aysan ku qancin iyagoo doonaya in go’aanka uu maanta soo baxo.
Arrintan ayaa dib u dhigtay kulanka maanta oo la filayay inuu dhaco oo qeybaha ka socda bulshada caalamka iyo ururada rayidka ay ku sugan yihiin, lana sugayo madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamulada dalka.
Goobjooge.com