Tuesday, July 8, 2025

Alshabab oo weerar cusub ka fulisay degaanka Lamu ee gudaha Kenya & Qasaaraha ka dhashay

Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in laba ruux  lagu dilay weerar lagu qaaday  qaadi xamuul degaanka Mkunumbi, oo 10 kilometers u jirta magaalada Mpeketoni town ee  Lamu  galabninadii shalay ee Arbacada.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in dadka la dilay ay gaariga la socdeen iyagoo gaarigaasi uu siday shixnad daawo ah.

Dhinaca kale xarakada Al-shabaab ayaa  sheegatay inay weerar Culus ku qaaday Jaziiradda Lamu Ee Dalka Kenya,waxaana ayna dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen Ciidamada Kenya ee halkaasi ku sugan.

Afhayeenka  howlgallada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalkaasi ay Ciidamada Kenya Khasaaro xoog leh ku gaarisiiyeen isla markaana ay gubeen Gaadiid dagaal oo Kenya ay leedahay sida uu yiri.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON