Thursday, June 26, 2025

DHAGEYSO: Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya oo Muqdisho kasoo saaray amar adag

Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Jen.  Maxamed Aadan Axmed amarkiisii ugu horeeyay soo saaray intii uu xilka qabtay isagoo ciidamada oo dhan ku amray inaysan magaalada Muqdisho soo geli karin askar hubeysan oo aan shaqo loo soo dirin, wuxuuna tilmaamay haddii taasi dhacdo askari kasta oo hub la soo galo Muqdisho lala xisaabami doono taliyihiisa sharcigana lagu qaadi doono.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa kula taliyay hogaanada ciidamada inay la xisaabtamaan askartooda, islamarkaana hubka ay ka dhigaan marka ay magaalada soo aadayaan si looga fogaado dhibaato ka dhalata hubka askariga magaalada la soo galayo.

Amarro noocan ah oo xiligii Ra’iisal wasaare Farmaajo la soo saaray ayaa muddo kooban shaqeeyay, waxaan dhibaatada ugu weyni ay tahay in ciidamada magaalada Muqdisho ku jira ay fara badan yihin oo qaarkood ay yihiin kuwo hay;ado gaara ay leeyihiin iyo qaar beeleed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON