Madaxweynaha Puntland ayaa dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo kadib markii uu magaalada Muqdisho uga qeyb galay shirarkii Hiigsiga cusub iyo Mashada Qaran ee qaabka doorashooyinka dalka la dhici doona 2016.
Isagoo saxaafadda ayuu sheegay in Puntland ka qeyb gashay shirarkii Hiigsiga nooca doorashada ka dhacaysa dalka 2016-ka, Wuxuu sheegay mowqifka Puntland ee ahaa in dalka doorashadu uga qabsoonto hab degaan in ay wali ku taagan yihiin kana soo horjeedaan 4.5-ka, ayna helaan shacabk metelaad dhab ah oo laga gudbo qaabka qabiilka.
Reer Puntland haddii aan nahay ayuu sheegay haddii lagu kala aragti duwanaado waa in aqlabiyaddu shaqeyso, sidaas si lamid ah ayaa muhim ah in la ilaaliyo kuwa aan aqalbiyadda haysan. Wuxuuna intaas ku daray 90% dadka Soomaaliyeed ay u socdaan in laga gudbo 4.5.
DHAGEYSO CODKA C/WELI GAAS
Goobjooge.com