Hay;adaha Ammaanka dalka Kenya ayaa baahiyay magacyada iyo sawirada 11 ruux oo aad loo baadi goobayo, kuwaasoo lagu eedeeyay inay maleegayaan weeraro argagixiso.
Dadkan ayay laamaha ammaanka dowladda Kenya sheegeen inay yihiin kuwo hubeysan oo qatar u ah, waxaana la sheegay inay horay uga qeyb qaateen weerarkii sanadkii hore ka dhacay deegaanka Mpeketoni
Warbaahinta gudaha Kenya oo soo xiganayay saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in raggan ay qorsheynayaan weeraro inay ka geystaan gudaha Kenya, gaar ahaan dhamaadka sanadkan iyo bilowga sanadka cusub.
Dadka reer Kenya ayaa loogu baaqay in Hey’adaha amaanka Kenya ku wargeliyaan raggan, hadii ay hayaan macluumaadkooda ama ay arkaan.
Mid ka mid ah ragga la soo bandhigay waxaa lagu magacaabaa C/fataax Abuubakar Cabdi oo ah muwaadin u dhashay Soomaaliya, kaasoo horay looga soo musaafuriyay gobolka xeebta ee Kenya.
Goobjooge.com