Wejigii koowaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso ayaa lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo la filayo in la furo sanadka cusub ee 2016-da.
Maareeyaha garoonka diyaaradaha Boosaaso Bashiir Muuse Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay inay hadda diyaarsan tahay 2km dhererka ah iyo 400-mitir balac ah Dhabada ay diyaaraduhu ku ordayaan, goobihii ay istaagi lahaayeen iyo baakinadooda iyo sidoo kale dhisme ku socda guriga loogu addeegayo dadwaynaha raacaya ama kasoo degaya diyaaradaha kusoo xiran doona Airpost-ka.
Dhaqaalaha lagu dhisay wajiga koowaad garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa waxaa ku deeqday dowladda Talyaaniga iyadoo ay fulisay shirkada CCECC ee Shiinaha.
DAAWO SAWIRRADA



Isha: PP