Monday, July 14, 2025

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday iyo Guddoomiye cusub oo loo magacaabay (Wareegto)

Madaxweynaha dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan C/Fataax Xasan Afrax oo kiis dil ah ku eedeysnaa, waxaana xilkaasi loo magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo xiligii dowladii KMG guddoomiye kasoo noqday Gobolkaasi.

AKHRISO WAREEGTADA MAGACAABIDDA GUDDOOMIYAHA CUSUB EE HIIRAAN

 

XEER MADAXWEYNE  LR. 87                                                                       TAARIIKH: 19/12/2015

MAGACAABIS GUDDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN

 MADAXWAYNAHA J.F.S

MarkuuArkay    :  Qodobka  87aad, Xarafka ‘C’,  Qodobka 90aad, Xarafka ‘K’ iyo 99aad, Xarafka ‘G’ ee

Dastuurka J.F.S.

MarkuuArkay    :  SharciLr. 116 eesoobaxayOgosto 6, 2013 kuna saabsan sharciga maamullada

Degmooyinka iyo Goballada dalka

MarkuuTixgaliyey : Soo jeedintaWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee

December 19, 2015 kuna saabsan xilka qaadis Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee

December 19, 2015 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan

MarkuuGarwaaqsaday : inay jirto baahi loo qabo in Gobalka Hiiraan loo magacaabo Guddoomiye cusub iyada

oo waafaqsan qaabka dhisidda Maamullada Gobollada Iyo Degmooyinlkadalkasi ay mustaqbalka u dhismaan Dowlad-goboleedyo Dastuurka waafaqsan

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1aad

Waxa xilka laga qaaday Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cabdifataax Xasan Afrax, waxaana mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) loo magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan

 Qodobka 2aad

Waxa uu Xeerkaan  u dhaqan gelayaa si degdeg ah marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda JFS.

MUQDISHO: 19/12/2015

Madaxweynaha J.F.S

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON