Sunday, July 13, 2025

Wasiirka Warfaafinta K/Galbeed oo jawaab kulul u diray xildhibaanada ololaha ka wada Bakool

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa si kulul  uga hor yimid ololaha ka socda degaano ka mida gobolka Bakool ee la doonayo in Maamul loogu sameeyo qaar ka mid ah degaanada Waqooyiga Gobolka Bakool oo ay wadaan xildhibaano iyo siyaasiyiin.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay  xildhibaanadaasi isku baheysteen qabiil oo aanay wax culeys ah ku heynin maamulkooda.

“Ceelbarde waxaa dega afar beelood xildhibaanada hadlaya waxay ka soo jeedaan hal beel, beelna dowlad noqon meysee waxaan oran lahaa haddii aad dadkaasi wax tareysaan u fura MCH-yo iyo goobo caafimaad…” ayuu yiri Xasan Cabdi Maxamed wuxuuna intaas ku daray in degaandaasi ay ka mid yihiin maamulka Koonfur galbeed oo aanay sinnaba looga saari karin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON