Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay shaqaale la hadal hayay in loo diri doono dalka Sacuudiga iyadoo ay yihiin hablo jaariyad ahaan loo geynayo dalka.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan shaqaale Soomaliyeed oo dhowaan shaqo u tegi doona dalalka Sacuudiga iyo Qadar si ay uga faa’iidaystaan fursado shaqo ay qaban karaan ee yaalla dalalkaas.
Wasiirka ayaan faahfaahin ka bixin nooca shaqooyinkaasi iyo shaqaalaha loo dirayo dalalkaasi, wuxuuse intaas ku daray in Wasaaradiisu ay wado qorsheyaal shaqo lagu siinayo shaqaalaha dowladda iyo kuwa madaxa banaan. “Waxaa meel wanaagsan inoo maraya dadaallada aan ku doonayno inaan shaqo ugu abuurno Dhallinyarada Soomaaliyeed, meelo badan ayaana wax ka keenay” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.
“Bisha Janaayo waxaa billaaban doona wax uun, waxaa jira fursado badan oo lunsanaa oo ay hadda Wasaaradda soo saartay , sidaad ogtihiin 5,000 oo Shaqaale Ajnebi ah ayaa dalka jooga oo ka shaqeeya fursadaha shaqo ee dalka yaallana waxaa leh Shaqaalaha Soomaaliyeed, sharcigii shaqaalaha ajnabiga baarlamaanka ayaa ansixiyay kaas ayaana ku shaqaynaa” Ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada.
Goobjooge.com